Friday, October 18, 2024

Israel oo dhulka la sintay xaafado ku yaal magaalada Gaza

Gaza (Dawan)- Dagaalka Israel iyo Kooxaha iskacaabita Falastiiniyiinta aaya galay maalintii sagaalaad, waxayna Mas’uuliyiinta Israel ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan inta ay ka cirib tirayaan Kooxda Xamaas.

  • Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo ballaaran ka geysanayaan goobo kala duwan oo ka tirsan marinka Gaza, waxeyna dhulka la simeen xaafado deegaan ahaa.
  • Qaramada Midoobay waxay caddeysay in Israel ay duqeymo ku burburisay in ka badan 1300 dhismo kuwaas oo ku yaal marinka Gaza.
  • Israel waxey duqeysay goobaha waxbarashada, caafimaadka, cibaadada, ganacsiga iyo guryo deegaan ah, sida ay baahiyiin warbaahinta gudaha Falastiin iyo kuwa caalamiga ah.
  • Duqeymaha Israel waxaa ka dhashay dhimashada ku dhawaad 2329 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 700 oo carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 9042.
  • Israel waxey duqeyn ku dishay in ka badan 10 qof oo ka mid ah shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay iyo weriyaal
  • Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in aysan wada hadal geli doonin inta ay socoto duqeynta Israel
  • Kooxda Xisbullaahi ee fadhigeedu yahay Lubnaan ayaa gantaalo la beegsatay goobo ka tirsan Israel
  • Qaramada Midoobay waxey sheegtay in dad ka badan 338 kun oo ku noola Gaza in ay ka barakaceen guryahoodi.
  • Kooxda Xamaas ayaa sii deysay haweeney iyo carruurteeda, sida ay baahisay Al-Jazeera
  • Israel waxey dadkeeda ugu baaqday in ay kasoo baxaan deegaanada u dhaw Marinka Gaza, waxeyna ogeysiisay in dagaalku sii socon doono isbuucyo.
  • Xukuumadda Israel ayaa u yeertay in ka baan 300,000 oo ka rirsan ciidanka kaydka ah.
  • Muxaafadka iyo Mucaaradka Israel ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan xukuumad wada jir ah oo dagaalka maareysa.
  • Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in Gaza laga jaray Korontada iyo biyaha.
  • Ciidanka Israel ayaa ku amray dadka deggan magaalada Gaza inay ka baxaan magaalada
  • Waxaa duulimaadyadoodi ay ku tegi jireen Israel joojiyay qaar ka mid diayaradaha caalamiga ah .
  • Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa caddeeyay in ay garab taaganyihiin Israel, waxeyna weerarka Xamaas ku tilmaameen mid argagixiso.
  • Xogahayaha arrimaha dibadda iyo kan difaaca ee Mareykanka ayaa booqasho ku tegay Israel, si uu garab istaag ugu muujiyaan.
  • Iran waxay ku habjabtay in dagaalku sii ballaaran doono haddii aysan Israel joojin duqeynta dadka rayidka ah.
  • Midowga Africa oo bayaan ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in dhibaatda jirta looga bixi karo in la helo dowalad Faslastiin ah oo madax bannaan si shacabka Falastiin u helo xuquuqdiisa asaasiga ah.
  • Qatar waxey mas’uuliyadda dusha uga tuurtay Israel, iyada oo ku eedeysay in ay iska dhega tirtay baaqyadii caalamka iyo fulinta heshiisyadii hore loo galay, sida laga soo xigata wasaaradda arrimaha dibadda.
  • Qaar ka mid dowladaha Caalamka oo arrintaan dhaxdhaxaad ka ah ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si dedg-deg ah u joojiyaan dagaalka si looga fogaado khasaare dheeraad ah.
  • Dalal badan oo Yurub ah ayaa muwaadiniintooda kala soo baxay Israel.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here