Gaza (Dawan)- Saddex wiil oo uu dhalay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, oo ay weheliyaan dhawr carruur ah oo uu awoowe u yahay, ayaa Arbacadii lagu dilay duqayn xagga cirka ah oo ay Israel ka fulisay xero qaxooti oo ku taal galbeedka magaalada Gaza
Duqeynta dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan qoyska Haniyeh oo ku sugnaa xerada qaxootiga ee Al-Shaati, xilli ay u socdeen in dadka xeradaas ku sugn la wadaagayeen hambalyada farxadeed ee Ciidul Fidriga, sida ay goob joogayaal u sheegeen Anadolu.
Goob joogayaalka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta diyaaradeed ay gabi ahaanba burburisay gaariga, iyada oo ay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhammaan dadkii saarnaa gaariga.
Wakaaladda Wararka Anadolu oo soo xiganeysa ilo dhanka caafimaadka ayaa sheegtay in weerarka cirka uu sababay dhimashada saddex ka mid ah wiilasha Haniyeh, kuwaas oo lagu kala magacaabo Xazem, Amiir, iyo Maxamed iyo sidoo kale dhowr carruur ah oo ay dhaleen, waxaana jira dhawaacyo kale.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska warbaahinta u qaabilsan maamulka Gaza ayaa lagu yiri; “Ciidanka guumaystaha ee Israa’iil ayaa xasuuq ba’an maanta oo Ciidul Fidriga ah u geystay qoyska Ismaaciil Haniyeh, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas kadib marki ay duqeyn la beegsadeen gaari ay saarnaayeen qaar ka mid ah wiilashiisa iyo kuwa ay sii dhaleen.”
Weerarkan oo dhinaca cirka ah, waxaa ku dhintay shan qof, halka tira kalena ay ku dhaawacmeen.
War-saxaafadeedka ayaa lagu cambaareeyay dilalka ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, iyada oo isbitaallada la gaarsiiyay in ka badan 125 qof oo meyd ah kuwaas oo ay dileen ciidammada Israa’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Haniyeh oo muuqaal soo duubay kadib dilka carruurtiisa ayaa yiri; “Gumeystuhu waxa uu rumaysan yahay in marka la bar-tilmaameedsado wiilasha madaxda, in ay saameyn ku yeelan karto go’aanka dadkeena, laakiin geeridooda waxa ay sii xoojin doontaa ku adkaysiga mabaadi’deena iyo u dagaalanka dhulkeena .”
Hadalkiisa waxa uu raaciyay “Wiilashaydu waxay joogeen Gaza, kamana cararin deegaankooda, waxaana la mid nahay dadka kale ee dhiigooda u bixinaya dhulkooda”
Waxaan u sheegayaa Israel, wixi aad awoodi weysay inaad ku hesho xasuuq iyo burbur kuma heli doontid miiska wadahadalka. ayuu hadalkiisa ku daray.
Ismaaciil Haniyeh ayaa sheegay in hanjabaadaha Israel ee ku saabsan in ay weerari doonto dhanka koonfurta Gaza ee Rafax, halkaas oo ay gabbaad ka dhigteen ilaa 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah in aysan cabsi gelin doonin shacabka iyo kooxaha iskacaabinta.
Israel ayaa weerar milateri ka wadday marinka Gaza, tan iyo 7-dii October, waxayna ku ku dishay ku dhawaad 33,500 oo qof, waxa ay sidoo kale xannibaad curyaamisay ku soo rogtay Marinka Gaza, taas oo keentay in dadka ku nool waqooyiga Gaza, in ay qarka u saaran yihiin inay macaluul u dhintaan.
Dagaalku wuxuu ku qasabay 85% dadka reer Gaza in ay barakacaan iyada oo ay jirto cunto yari ba’an , sidoo kalena ay adagtahy in la helo biyo nadiif ah iyo dawo, waxaana burburay guud ahaan dhismooyiinkii deegaanka ahaa.
Israel ayaa wajaheysa eedeymo la xiriira xasuuq ka dhan ah dadka reer Falastiin, iyada oo ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ay hore usoo saartay qaraar ku amraya Israel inay wax badan ka qabato sidii looga hortegi lahaa dhimashada dadka rayidka ah iyo in macluul ay ka dillaacdo Gaza.