Wednesday, October 23, 2024

Itoobiya… 11 urur siyaasadeed oo hakad la geliyay howlahooda

Addis Ababa (Dawan)- Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa soo saaray go’aan lagu joojiyay shaqooyinkii kow iyo toban urur siyaasadeed, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u hoggaansami waayeen nidaamka xisaab xirka, taageerada dhaqaale ee xubnaha haweenka iyo habraaca u degsan axsaabta siyaasadda.

Ururada la hakiyay howlahooda waxaa ka mid ah Ururka Dimuqraadiga Shacabka Gedeo, Harari Democratic Organization, Xisbiga Xoreynta Oromada, Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Wolayta iyo Gambella National Democratic Movement.

Ururadan waxa lagu wargeliyay inaysan ka qayb qaadan karin arrimo la xiriira siyaasad ilaa amar dambe.

Dawan TV uma suurta gelin inuu helo wax jawaab ah oo ay bixiyeen ururada laga mamnuucay siyaasadda iyo eedeymaha loo jeediyay.

Dhanka kale, Guddiga doorashooyinka Itoobiya waxa uu kordhiyay kharashaadka laga qaado xisbiyada siyaasadeed ee doonaya aqoonsi ku meel gaar ah ma mid buuxa . Kharashka aqoonsiga ku meel gaarka ah oo ahaan jiray 100 birr ayaa la gaarsiiyay ilaa 15,000 oo birr, halka lacagta aqoonsiga buuxa oo qaadi jiray 200 oo birr laga dhigay 30,000 oo birr, laga bilaabo 21/10/2024.

Xisbiga doonaya inuu wax ka bedel ku sameeyo dukumentigii lagu aasaasay ayaa laga qaadi doona hadda kadib 5,000 oo birr, iyada oo markii hore laga qaadi jiray kaliya 30 Birr.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here