Monday, September 16, 2024

Itoobiya… 7 ka mid ah madaxda OLF oo xabsiga laga sii daayay kadib 4 sano

Addis Ababa (Dawan)- Todobo ka mid ah madaxda sare ee jabhadda Oromada ee OLF ayaa laga sii daayey xabsi ay ku jireen in ka badan afar sano, iyada oo aan wax dembi ah lagu soo oogin.

Xabsi siyaasadeed

Dhowr jeer oo ay Maxkamadi amartay in lasii daayo todobadan hoggaamiye ayaan la fulin sida ay sheegaty qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo soo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan Jabhadda OLF.

Shakhsiyaadka la sii daayay ayaa kala ah Cabdi Regassa, Lemi Begna, Dawit Abdeta, Michael Boran, Kennessa Ayana, Gada Oljira, iyo Gada Gabisa. Xubnahan sare ee OLF waxa ay ku jireen gacanta Boliiska tan iyo 20020.

Qareenka u doodaya maxaabiista ayaa xaqiijiyay in siideyntoodu aysan ahayn natiijo ka dhalatay go’aan maxkamadeed oo cusub, maadaama ay maxkamaduhu marar badan horay usoo saareen in dib loo siiyo xorriyaddooda. Waxa uu xusay in ugu dambeyn Boliiska go’aansaday in la fasaxo maadaama aysan jirin wax dembi ah oo ay galeen.

Hogaamiyayaasha OLF waxaa la xiray inta u dhexeysay sannadihii 2020 iyo 2021, kadib markii la dilay sarkaal ka tirsan Boliiska iyo fannaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa, inkasta oo lagu waayay inay ku lug lahaayeen dilalkaas.

Cadaadiska Hay’adaha xuquuqda aadanaha

Hay’adaha xuquuqul insaanka, oo ay ku jirto Human Rights Watch, ayaa dhaleeceysay xabsiyadan daba dheeraaday iyo hufnaan la’aanta qaabka loola dhaqmay maxaabiistaan, waxeyna billaabeen inay cadaadis ku saaran maamuka Itoobiya in lasii daayo ama ay helaan maxkamadeyn caadil ah.

Soo dhawaynta Mareykanka

Mareykanka ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dowladda Itoobiya ku sii daysay hogaamiyayaasha jabhadda Oromada ee OLF, oo ah urur siyaasadeed oo u dooda xuquuqda dadka kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

War qoraal ah oo kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu muujiyay sida uu Mareykanku diyaar ugu yahay taageerada wada xaajoodyada lagu soo afjarayo colaadaha iyo in nabad waarta laga hirgeliyo guud ahaan deegaanada Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here