Saturday, November 23, 2024

Itoobiya iyo IOM oo xoojiyay dadaallada looga hortegayo tahriibka

Addis Ababa (Dawan)- Itoobiya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa sare u qaaday dadaallada wax looga qabanayo tahriibka kadib musiibo dhowaan ka dhacday xeebaha Jabuuti, halkaasoo 48 muhaajiriin Itoobiyaan ah ay ku dhinteen.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Berhanu Tsegaye, ayaa sheegay in 56 tahriibayaal ah si nabad ah diyaarad lagu celiyay Itoobiya, taasoo ah tallaabo ballaaran oo Itoobiya ay ku dooneyso inay ku xakameyso qulqulka tahriibayaasha u bareeray inay naftooda gelinaan halis.

Danjire Tsegaye waxa uu iftiimiyay khatarta ka jirta wadada isku xitta Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen iyo ​​shabakadaha ka faa’iideysanaya dadka tahriibiya kuwaas oo maalin kasta ay dhibaato soo gaarto.

Tsegaye ayaa ku booriyay waalidiinta inay ka warqabaan carruurtooda, si looga fogaado halista ay la kulmaan dhallinyararada Itoobiya ee tahriibaysa.

Dawladda Itoobiya oo kaashanaysa IOM, waxay sii waddaa xoojinta wacyigelinta iyo tallaabooyinka amniga xuduudaha si looga hortago khasaare kale oo nafeed.

Horaantii bishaan, laba doomood oo ku degay xeebaha Jabuuti ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 48 tahriibayaal ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay (IOM). Mar dambe Itoobiya waxay sheegtay in dadkaas ay ahaayen muwaadiniinteeda.

Bishii Abriil, 38 qof oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay ka dib markii doonidii ay la socdeen ku degtay xeebaha Jabuuti. Bishii June, ugu yaraan 49 qof ayaa dhintay, kuwaas oo intooda badan kasoo jeeday Itoobiya iyo Soomaaliya, markii doonidoodi ka baxday Soomaaliya ay la degtay.

Tobannaan kun oo qof oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan ka jirta dalalkooda ayaa sanad walba ka baxa Afrika iyagoo ka tallaabaya Badda Cas si ay u gaaraan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka, taas oo hay’adaha samafalku ay ku tilmaameen “mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan uguna halista badan ee tahriibka caalamka”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here