Monday, September 16, 2024

Itoobiya iyo Midowga Yurub oo kawada hadlay xaaladda Geeska Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie, ayaa maanta qaabilay Dr. Annette Weber oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, waxayna ka wadahadleen arrimaha gobolka gar ahaan xaaladda nabadda iyo xasiloonida ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan.

Kulanka waxaa si wayn loogu jeexjeexay dadaallada nabadeed ee dalka Suudaan, waxeyna Dr. Annette Weber hoosta ka xariiqday taageerada Midowga Yurub ee hindisaha Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed si looga mira dhaliyo xal u helidda colaadda ka jirta Suudaan.

Abiy Axmed ayaa shalay booqday dalka Suudaan tan iyo markii uu dagaalka ka billaawday dalkaas, waxaana booqashadiisa lagu sheegay sidii xal waara loogu heli lahaa xasiloonida Suudaan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kawada hadlay xaaladda Soomaaliya ka taagan, iyadoo labada dhinac ay isla qireen caqabadaha jira iyo baahida loo qabo taageero joogto ah oo caalami ah. Ajendaha kulanka waaa ka mid ahaa xaaladda Badda Cas.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya iyo arrimo kale oo khuseeya Geeska Afrika iyo Badda Cas. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in wadahadalo dheeri ah la yeesho si loo xoojiyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee Itoobiya iyo Midowga Yurub”, ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Gobolka waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed iyo colaado kale, waxaana maalmahaan booqasho is daba joog ah ku maraya maalmahaan mas’uuliyiin ka socda Midowga Yurub iyo Mareykanka kuwaas oo madaxda gobolka kala hadlaya sidii wada jir looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here