Sunday, September 8, 2024

Itoobiya iyo Puntland oo ku heshiiyay inay yeeshaan iskaashi toos ah

Addis Ababa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa maanta oo Arbaco ah shaaca ka qaaday in ay Maamulka Puntland ee Soomaaliya kula heshiisay kor u qaadida iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga ayaa qaabilay wafdi heer heer wasiir ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed , iyada oo labada dhinac ay isla meel dhigeen dardargelinta fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuuxsaday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xoojinta xiriirka Puntland, isaga oo caddeeyay in dowladdiisu ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Sidoo kale waxa uu Puntland ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee ay kusoo dhaamaatay doorashadii dhawaan dhacday.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo ay Puntland dhawaan ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka sidoo kalena sheegtay in ay si toos ah ugala xaajoonayo Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda.

Go’aanka Puntland ayaa yimid kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu meelmariyay wax ka bedelka afarta cutub ee ugu horeysa Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here