Saturday, September 7, 2024

Itoobiya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya dhaqaalaha iyo amniga

Riyaad (Dawan)- Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Itoobiya oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh, ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Taye Atskeselassie iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Sacuudiga Carabiya.

Ujeedka booqashada wafdiga Itoobiya ayaa ah sidii ay mas’uuliyinta Sacuudiga ugala hadli lahaayeen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha kale. ,” sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Nebiyu Tedla.

Booqashada wafdiga Itoobiya ayaa timid labo todobaad ka dib markii ay Itoobiya shaacisay inay qorsheyneyso inay bilaawdo wajigii saddexaad ee dib u celinta ku dhawaad 70,000 oo ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya guryaha kuwaas oo ay dowladda Sacuudigu amartay in la tarxiilo.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga, Wafdiga Itoobiya ayaa dhambaal qoraal ah oo ay ka sideen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed gaarsiiyay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

Wakaaladdu waxay intaas raacisay in dhambaalka uu ku saabsanaa sidii loo sii dardargelin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladeed, waxaana dhambaalka gudoomay wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here