Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la dhameystiray biyo xireenka weyn ee Wabiga Niilka Buluuga ah, kaas oo la qorsheynayo in laga dhaliyo koronto daboosha baahida ay muwaadiniinta dalkaas u qabaan koronto ku filan.
Aby Axmed ayaa bartiisa “X” kusoo qoray “Anigoo aad u faraxsan, waxaan ku dhawaaqayaa in buuxintii afraad ee ugu dambaysay ee biyo xireenka lasoo gabagabeeyay”
Arrintaan ayaa kusoo beegmyeysa laba todobaad kadib wada xaajood aan guul laga agarin oo dhax maray dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan.
Dowladaha Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa kawada xaajoonayay sidii heshiis looga gaari lahaa biya xireenka Itoobiya tan iyo sanadkii 2011, inkasta oo aan ilaa hadda wax guul ah laga gaarin wada hadalladaas.
Biyo xireenkaan ayaa laga sameeyay Blue Nile-ka gobolka Benishangul-Gumuz, oo qiyaastii 30 km u jira xudduudda Suudaan.
Dhererka biya xireenkaan ayaa lagu sheegay 1.8 km, halka joogisu gaarayo 145 mitir.
Bishii Febraayo 2022, Itoobiya ayaa si rasmi ah u billaawday inay koronto kasoo saarto biya xireenkaan oo ay ku baxday lacag gaareysa afar bilyan oo doolar.
Dhanka kale, Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimah Dibadda Masar, ayaa lagu cambaareyay dhameystirka biya xireenka, iyada oo lagu tilmaantay tillaabo xad gudub ku ah heshiisyadii ay saxiixdeen dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan sannadkii 2015, kaas oo dhigaayay in seddexda dal ku heshiiyaan shuruucda iyo qaabka loo marayo buuxinta biya xireenka.
Wasaaradda Arrimha Dibadda Masar ayaa ku eedeysay Itoobiya inaysan tixgelin danaha labada dal iyo xuquuqda biyaha oo ay damaanad qaadayaan xeeraraka caalamiga ah
Bayaanka kasoo baxay Masar ayaa lagu soo gabageeyay in go’aanka Itoobiya saameyn ku yeelan doono wada xaajoodyadii loo ballansanaa inay dhacaan bila soo socda ee lagu doonayay in xal waara looga gaaro muranka biya xireenka.