Tuesday, October 22, 2024

Itoobiya oo markii ugu horeysay ka qayb geleysa shirka BRICS

Kazan (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa gaaray magaalada Kazan ee dalka Ruushka, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka 16-aad ee dalalka BRICS. Waxaa garoonka caalamiga ah ee Kazan ku soo dhoweeyay madaxweynaha Tatarstan, Rustam Minnikhanov, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Tatarstan.

Itoobiya waxay xubin buuxda ka noqotay BRICS Janaayo 1, 2024, ka dib go’aan ka soo baxay shirkii 15-aad ee BRICS ee ka dhacay magaalada Johannesburg Agoosto 2023.

Shir madaxeedka sanadkan ee Kazan waa kii ugu horreeyay oo ay Itoobiya ka qayb gasho iyada oo xubin buuxda ka ah BRICS, waxaana la mid ah xubnaha kale ee cusub sida Masar, Iran, Sacuudi_Arabia, iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa la qorsheeyay in shirku dhaco 22-ka ilaa 24-ka bishaan Oktoobar, iyada oo ay goob joog yihiin Hogaamiyaal ka kala socda in ka badan 30 wadan oo isagu jira xubnaha BRICS iyo dowlado kale oo lagu casuumay.

BRICS ayaa loo arkaa urur doonaya inuu loolan dhaqaale la galo kooxda G7 ee uu Mareykanku hogaamiyo, ayna ku jiraan France, Britain, Germany, Italy, Canada iyo Japan.

Xubnaha BRICS waxay dadaal ugu jiraan inay ballaariyaan ururka taasoo qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo nidaam dhaqaale oo caalami ah kaas oo ay ka muuqdaan dowlado saamayn ku leh qaaradaha kala duwan ee dunida

BRICS waa urur dhaqaale oo ay aasaaseen Shiinaha, Brazil, Russia, India, iyo Koonfur Afrika sannadkii 2006, inkasta oo ay dowlado kale dib uga soo biireen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here