Sunday, September 8, 2024

Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso

Jig-jiga (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidamadeedu ka hortageen weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in laga fuliyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Itoobiya ayaa ku eedeysay kooxda Al-shabaab in ay soo maleegtay weerarkaan lala damacsanaa in laga fuliyo degmada Doollo-Caddo oo hoostagta Gobalka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

“Kooxda argagixisada ah ayaa doonaysay in ay weerarka kufliso 6 jeerigaan oo ay kiimiko iyo walxaha qarxa kasoo buuxiyeen iyo 3 kun oo rasaasta Bireenka ah, si ay ugu waxyeeleeyaan hantida umadda iyo shacabka rayidka ah ee kudhaqan degmada Doollo-Caddo ee gobolka Liibaan,hase ahaate waxaa halistii argagixisadu soo maleegtay kahortay oo gacanta ku dhigay ciidamada difaaca ee dowladda Itoobiya” ayuu yiri, Getachew Habtamu oo ah taliyaha ciidaanka degmada Doollo-Caddo

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dhowr jeer isku dayday in ay weeraro ka geysato gudaha Itoobiya balse ay ku guul darreysatay.

Feejignaanta xooggan ee ciidamada Difaaca iyo Laamaha Amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa suurta geliyay in laga hortago falalka amni darro iyo in la soo qabto fidno wadayaasha” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca Al-shabaab ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen dhacdadaan ilaa iyo hadda.

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid dowladaha Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here