Saturday, November 16, 2024

Itoobiya oo sheegtay inay sii xoojinayso dagaalka ka dhanka ah AS

Addid Ababa (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay sii xoojinayso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab si loo yareeyo khatarta kooxdaasi ku hayso gobolka Geeska Afrika. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Nebiat Getachew, ayaa sheegay in dadaallada ay Itoobiya ku wiiqayso Al-Shabaab ay muhiimad weyn u leeyihiin gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in beesha caalamka ay aqoonsan tahay doorka Itoobiya ee sugidda amniga gobolka.

Nebiat Getachew ayaa tilmaamay in guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab aysan noqon doonin kuwo la celin karo, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay sii wadeyso dadaalladeeda. “Guulaha aan gaarnay illaa hadda waa kuwo muhiim ah, waana inaan sii wadno dadaallada aan ku xaqiijinayno in Al-Shabaab aysan mar dambe khatar ku noqon gobolka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa sheegtay inay hirgelinayso istiraatiijiyad wadajir ah oo lagu xoojinayo isku xirka gobolka Geeska Afrika, iyadoo ku dadaalaya iskaashi dhow oo ay la yeeshaan waddamada deriska ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar dhaqaale oo gobolka ka hanaqaada.

Hadalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay hore u sheegtay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya uu kordhiyay dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya 23-kii Oktoobar ayaa lagu sheegay in joogitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya uu keenay in kooxdu ay  sii xoogeysato.

Sidoo kale, hadalka Itoobiya ayaa yimid maalmo  uun ka dib markii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu sheegay in Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo lagu beddeli doono howlgalka ATMIS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here