Sunday, September 8, 2024

Itoobiya oo xabsiga u taxaabtay hoggaamiye mucaarad ah

Addis Ababa (Dawan)- Dowlada Itoobiya ayaa xirtay Chane Kebede  oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee  lagu magacaabo Ethiopian Citizens for Justice, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga.

Seyoum Mengesha oo ah madaxa arrimaha qaanuunka ee xisbiga ayaa sheegay in hoggaamiyaha  oo kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada la xiray maalintii Axadda, xilli uu asaxaabtiisa la joogay meel maqaayad ah.

Wararka laga helayo Itoobiya, waxa ay tilmaamayaan in hoggaamiha la xiray weli uu xabsiga ku jiro.

“Ma garanayno sababta saxda ah ee loo xiray,” Seyoum ayaa u sheegay AFP.

“Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in laga yaabo inay la xiriirto rabshadaha ka socda gobolka Amxaarada iyo xaaladda bandowga ah ee hadda jirta.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa gobolka Amxaarada ku soo rogtay badnoow socon doonta muddo lix bilood ah horraantii bishii Agoosto kadib markii uu dagaal ku dhex maray ciidamada federaalka iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo loo yaqaano Fano.

Ciidamada ammaanka ayaa heysta awood ay ku xiri karaan dadka iyo in ay ka hortagaan kulamada iyo isku soo baxyada sababi kara bannaan baxyo waaweyn.

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa ku eedaysay ciidamada federaalka in ay gobolka Amxaarada ka fuliyeen dilal sharci darro ah iyo in ay dad badan u taxaabeen xabsiyada

Hoggaamiyahaan mucaaradka ah waxaa soo xiray dad aan la garaneyn waxeyna ku qaadeen gaari aan lahayn taariko, sida ay sheegeen mas’uulityiinta xisbigiisa

Ciidamda ammaanka ayaa baaritaano kas sameeyay guriga iyo xafiiska hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ethiopian Citizens for Justice oo loo yaqaano Ezema.

“Chane Kebede waxa uu weli ku xiran yahay xarunta dambi baarista ee caasimadda Addis Ababa  in ka badan 48 saacadood, laakiin weli wax su’aalo ah lama weydiin, lamana horgeyn maxkamad” Seyoum ayaa sidaas u sheegay warbaahinta.

Dowladda Itoobiya  ayaa 9-kii bisha  August ku dhawaaqday in dagaalyahanadi kasoo horjeeday dowladda  ay dib uga gurteen magaalooyinka waaweyn ee Amxaarada, balse ay weli jiraan dagaalo ka socda deegaano dhowr ah.

Axadii, dagaalyahanada Fano ayaa weerar ku qaaday Gonder, oo ah magaalada ugu dadka badan Amxaarada iyo caasimaddii hore ee Imbaraadooriyadda Itoobiya, inta badan waxay bartilmaansadaan Booliska, sida ay mas’uuliyiin amniga qaabilsan iyo dadka deegaanku u sheegeen AFP.

Ciidanka dowladda Dhexe ee gacanta ku haya amniga gobolka Amxaarada, ayaa sheegay in ay iska caabiyeen  weerarkii lagu soo qaaday.

Lama ogaan karo  xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka Amxaarada, maadaama si wayn loo  xaddiday in saxafaddu tagato gobolka.

Xisbigaan Ezema waxa la aas aasay 2019, sanad kadib markii Abiy Axmed uu xukunka qabtay,kadib markii ay bahoobeen xisbiyo badan oo ka soo horjeeday isbahaysiga EPRDF ee Itoobiya ka talinayay dhawr iyo toban sano.

Ezema ayaa afar kursi ku leh aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka Itoobiya oo ay u badan yihiin xisbiga Barwaaqada ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Berhanu Nega oo ka tirsan xisbiga Ezema ayaa ah wasiirka Waxbarashada ee dowladda federaalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here