Monday, September 16, 2024

Itoobiya oo xukun ku riday 8 qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin A S

Addis Ababa (Dawan)- Maxkamadda sare ee Itoobiya laanteeda 4-aad ee qaabilsan dambiyada ayaa xukuno kala duwan oo u dhaxeeya 5 ilaa 12 sano ku xukuntay 8-qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falal argagixiso iyo xiriirka kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada difaaca Itoobiya oo kaashanaya laamaha ammaanka iyo dambi baarayaasha in ay soo xireen 8-da qof kuna sameeyeen baaritaanka dhameystiran ee lagu soo taagay maxkamadda.

8-da qof ee xukunka lagu riday ayaa loo qeybiyay laba kiis, kiiska koowaad waxaa ku jira Xasan Ibraahim (Hafo), Aman Qaasim (Salhadin), Jibril (Nasrudin) Rasha, Cabdikarim (Zeid) Xasan , iyo Tamam (Xamza) Sheh Cabdo, oo lagu xukumay 11 ilaa 12 sano.

Kiiska 2-aad oo lagu xukumay min 5 sano, waxaa ku jira Cabdidaahir Koole, Aadan Salaad Kadye, iyo Maali Dr. Guure, waxaana lagu eedeeyay in ay xog siiyeen kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Kooxda xukunka lagu riday ayaa lasoo qabtay sannadkii 2022-kii, xilligaas oo ay dowladda Itoobiya sheegtay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen bariga dalka Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumer oo xilligaas warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la fashiliyay koox qorsheyneysay in ay falal amni darro ah ka fuliyaan gudaha Itoobiya, gaar ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda lagu soo oogay kooxdan, ayuu xeer ilaaliyaha Itoobiya sheegay in eedaysanayaashu ay qirteen howlgal ay ku doonayeen in ay ku argaggax geliyaan shacabka dhamaadkii 2022-ka iyo falal argagixisanimo oo ka wadeen deegaano kala duwan oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida, iyagoo sidoo kale macluumaad ku taageerayay kooxda Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here