Thursday, September 19, 2024

Itoobiya… Wasiir hore oo laga yaabo inuu la kulmo ciqaab adag

Addis Ababa (Dawan)- Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa diiday codsi ahaa in dammaanad lagu sii daayo wasiiru dowlihii hore ee Nabadda, Taye Dendea, kaasoo xabsi ku jira kadib markii lagu soo eedeeyay dhowr dacwo oo ay ka mid tahay inuu si sharci darro ah u haystay hub.

Taye, oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii December 2023, ayaa lagu eedeeyay inuu faafiyay intii uu ahaa wasiiru-dawlaha Nabadda farriimo dacaayad ah oo lagu taageerayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

Dacwadaas waxaa ka bari yeeshay maxkamadda iyada oo sheegtay in qoraalladiisa baraha bulshada iyo wareysiyada uu siiyay warbaahinta inay yihiin kuwo xaq dastuuri ah oo uu ku cabbiri karo ra’yigiisa. Si kastaba ha ahaatee, maxkamaddu waxay heshay caddaymo ku filan oo lagu sii wadi karo eedeynta ah inuu haystay hub sharci-darro ah, waxayna ku amartay Taye inuu u diyaar garoobo is difaacid.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in guri uu deganaa jiray laga helay hub kadib markii lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Ka dib markii lagu waayay eedeymihii hore, Taye waxa uu dalbaday in damiin lagu sii daayo , balse maxkamadda sare ee Federaalka ayaa ku gacan seyrtay codsigiisa, iyadoo sheegtay inay ka casbi qabto inuu hor imaan waayo maxkamadda haddii lasii daayo.

Ciqaab u dhexeysa 8 ilaa 25 sano oo xabsi ah ayuu la kulmi doona Taye haddii lagu helo eedeynta loo hasyto, waxaana la ballamiyay dhegeysiga dacwadiisa 18ka October 2024

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here