Monday, September 30, 2024

Jabuuti.. 2 qof oo loo xiray ka ganacsiga Xashiishka

Jabuuti (Dawan)- Boliiska Jabuuti ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay laba qof oo lagu eedeeyay inay ku howlanaayeen wareejinta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Qoraal kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri; ” Ciidamada Saldhiga Degmada 1-aad ayaa gacanta ku soo dhigay 2 qof oo iibinayay waxyaabaha maanka dooriya”

Boliiska ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya labada qof oo wajigooda la qariyay iyo 2 kg oo xashiish ah.

Eedeysanyaasha ayaa lagu xiray xabsiga madaniga ah ee Gabode, sida Boliisku la wadaagay warbaahinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here