Jabuuti (Dawan)- Golaha Deegaanka Dikhil ee Jabuuti ayaa soo qabanqaabiyay munaasabad lagu taageerayo in ka badan 50 arday oo ka soo jeeda qoysas danyar ah, kuwaas oo la gudoonsiiyay qalab waxbarasho si ay u sii wataan waxbarashadooda.
Guddoomiyaha Dikhil ayaa sheegay munaasabadan looga gol leeyahay in ardayda danyarta ah la taageero si ay u gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.
Waxa uu intaas ku daray in barnaamijkani uu yahay kii saddexaad ee noociisa ah, isla markaana uu wax weyn ka badali doono mustaqbalka caruurta danyarta ah ee gobolka.
Ardayda ka faa’iideysatay barnaamijkan ayaa la siiyay agab waxbarasho oo ka caawinaya inay horumariyaan waxbarashadooda, iyadoo lagu rajo weyn yahay in ay mustaqbalka door ka qaadan doonaan horumarka bulshada.
Masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka Dikhil ayaa sidoo kale caddeeyay inay rajeynayaan in sanadaha soo socda la ballaariyo taageeradan, si ay uga faa’iidaystaan arday badan oo kale oo ka soo jeeda qoysas danyar ah.
Taageeradaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan dib ay u farmeen sanad dugsiyeedyada dalkaas Jabuute ee 2024 -2025.