Thursday, September 19, 2024

 Jabuuti… Dab geystay qasaaro hantiyadeed oo ka kacay Ambouli

Jabuuti (Dawan)- Dab sababay gubashada 10 guri ayaa ka kacay xaafadda Ambouli ee Jabuuti sida a sheegtay warbaahinta dalka Jabuuti.

Habeenkii Jimcaha, dab xoogan ayaa ka kacay xaafadda Ambouli ee magaalada Jabuuti, kaas oo sababay burburka in ka badan 10 guri.

Maamulka xaafada iyo waaxda dabdamiska  ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah, waxaana korontada laga jaray xaafadda si looga hortago in dabku uu sii faafiyo burburka iyadoona ugu dambeen lagu guulkeystay daminta dabkaas.

Lama sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysay dabkaas.

Maamulka xaafada Ambouli ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay ka feejignaadaan waxyaabaha sababi kara dabka, ayna qaataan tallaabooyin ka hortag ah si looga badbaado dhibaatooyinka noocan oo kale ah mustaqbalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here