Monday, September 16, 2024

Jabuuti: Imtixaanaadka dugsiyada Hoose iyo Dhaxe oo billaawday

Jabuuti (Dawan)- Dalka Jabuuti, waxaa maanta ka billaawday imtixaanaadka dugsiyada Hoose iyo Dhaxe iyada oo ay fadhiisteen arday kor u dhaafaysa 12 kun.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Jabuuti, 46 goobood ayaa looga dareeray imtixaanaadka, waxaana ka mid ah ardayda ka qayb galeysa imtixaanka  dugsiyada Hoose iyo Dhaxe ardayda ku jirta xeryaha qaxootiga ee dalkaas.

Gobollada Jabuuti oo  idil ayuu ka dhacaya imtixaaanka basle ardayda ugu badan ee imtixaanka galayasa waxa ay socdaan magaalada caasimada ah ee Jabuuti, waxeyna gaarayaan   8 kun iyo 759 arday.

 Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan  Wasaaradda  Waxbarshada Jabuuti ayaa kormeer ku tagay goobaha ay ardaydu ku galayaan imtixaanaadka iyo Agaasinka waxbarshada ee imtixaanaadka, si loo hubiyo habsami u socodka howlaha imtixaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here