Sunday, September 8, 2024

Jabuuti iyo Cuba oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Havana (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha  Jabuuti, Cabduqaadir Kaamil Maxamed  iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa booqasho howleed ku tegay dalka Cuba, waxaana qaabilay dhiggiisa dalkaas, Manuel Marrero Cruz.

Wafidga Jabuuti ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cuba u tegay si ay uga qeyb galaan Shir madaxeedka dowladaha loo yaqaano Kooxda 77 iyo Shiinaha ee ka dhici doona Cuba maalmaha Jimcaha iyo Sabtida.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Cuba kaas oo ku dhisan wax wada qabsi iyo isweydaarisaga khibradaha kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay Jabuuti sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Cuba, wuxuuna gaarsiiysay dhiggisa salaan sharafeed uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taas oo ku socotay, Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Cuba ayaa tilmaamay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay dardargelinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Cuba.

Cuba iyo Jabuuti ayaa bisha November ee soo socota u dabbaal degi doona sannad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay markii uu billaawaday  xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Laba dolwadood ayaa leh xiriir soo jireen ah waxeyna iska kaashadaan dhinacyo badan gaar ahaan caafimaadka,  waxbarashada,  farsamada iyo tayeynta xirfadlayaasha.

Dowladaha ku bahoobay isbaheysiga  77 ayaa ah dowladaha soo koraya kuwaas oo iska kaashada horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga iyada oo la kaashanayo  Qaramada Midoobay.

Inkasta oo xubnaha dowladahaan gaaryaan 134 hadana waxey heytaan weli tirada dowladihii ugu horeeyay ee saxiixay ku biirista isbaheysigaan 1964, shirkooodi ugu horeeyay ee ka dhacay Geneva

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here