Sunday, September 8, 2024

Jabuuti iyo Faransiiska oo kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah

Paris (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo booqasho ku jooga dalka Faransiiska ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Emmanuel Macron, si loo dhammaystiro loona saxiixo heshiis cusub oo dhinaca difaaca ah.

Labada madaxweyne ayaa marka hore wada qaatay kulan gaar ah oo albaabadu u xiranyihin kadibna waxaa gadaal uga soo biiray wafuud labada dhinac, iyada oo si wayn looga wada hadlay iskaashiga ka dhexeeya Jabuuti iyo Faransiiska iyo fulinta mashaariic waaweyn oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah oo ay ka mid yihiin dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub.

kulanka labada wafdi

Wadahadallada kadib, labada madaxweyne ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska cusub oo ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee lama huraanka u ah labada dal ee xaqiijinta difaaca iyo amniga.

Heshiiska cusub ayaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga taariikhiga ah ee Faransiiska uu la leeyahay Jabuuti, iyo xaqiijinta xasiloonida gobolka Geeska Afrika oo muhiim u ah dunida kale, sida aan kasoo xiganaya madaxtooyada Jabuuti.

Heshiiska ayaa sidoo kale ka tarjumaya heerka uu gaarsiisanyahay xiriirka labada dal iyo isku xirnaanshahooda marka la eego dhinacyada difaaca iyo amniga.

Geelle iyo Macron oo saxiixaya heshiiska

Geelle iyo Macron ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladda Geeska Africa gaar ahaan wadamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan. Macron ayaa bogaadiyay dadaallada Madaxweyne Geelle uu ku xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka, isaga oo u ballan qaaday in Faransiisku ku garabsiinayo dadaalladaas nabadeed.

Xiriirka Jabuuti iyo Faransiisku waxa uu ahaa mid xoogan tan iyo markii ay Jabuuti qaadatay xornimadeeda 1977, waxayna labada dal iska kaashaadan dhinacyo badan, iyaga oo sidoo kale is dhaafsada had iyo jeer booqashooyinka madaxda sare ah. Geelle ayaa booqday Paris 2021 halka Macron uu booqasho ku tegay Jabuuti 2019.

Jabuuti waxaa ku yaal saldhigga ugu weyn ee Faransiisku ku leeyahay Afrika oo ay joogaan (1,500 oo askari)

Macron iyo Geelle

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here