Friday, October 18, 2024

Jabuuti iyo IOM oo iska kaashanaaya wax ka qabashada  qaxootiga

Dowladda Jabuuti iyo  Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa iska kaashanaaya sidii wax looga qaban lahaa nolosha qaxootiga iyo tahriibka sharci darrada ah.  

Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo  wakiilka IOM u qaabilsan Jabuuti Tanja Pacifico oo magalaada Obokh ku kulmay ayaa ka wada hadalay sidii looga hortegi lahaa tahriibka sharci darrada ah ee sii kordhaaya iyo qataraha ka dhalan kara.

Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti ayaa carrabka ku adkeeyay inay lagama maarman tahay in la xakameeyo tahriibka iyada oo la kaashanaayo hay’adaha caalamiga ah.

“Tahriibka ayaa sii kordhaaya, wuxuuna halis weyn ku yahay nolosha dhallinyarada. Waxaa muhiim ah in dowladda Jabuuti iyo hay’adaha ay ku quseyso iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada tahriibka, iyadoo loo maraayo wacyi gelin iyo wax ka qabashada nolosha dadka” ayuu yiri, Raiisal wasaraha Jabuuti.

Ra’iisal wasaaare Cabdulqaadir Kaamil ayaa intaas ku daray, inay ka go’antahay  dowladda Jabuuti wax ka qabashada nolosha qaxootiga ku jira xeryaha qaxootiga ee gudaha Jabuuti.

Tanja Pacifico, wakiilka IOM, ayaa dhankeeda sheegtay in tahriibku saameyn xun ku leeyahay nolosha dadka iyo dhaqaalahooda .

“Waxaa naga go’an inaan  dowladda Jabuuti kala shaqeyno wax ka qabashada arrimaha qaxootiga iyo tahriibka sharci darrada ah oo saameyn xun ku reeba nolosha aadanaha” ayey tiri, Tanja Pacifico.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here