Friday, September 20, 2024

Jabuuti iyo Midowga Yurub oo iska kaashanaya amniga badda Cas

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa iska kaashanaya amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kadib dhacdadii Markabkii M/T Sounion ee ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ku bartilmaameedsadeen badda Cas.

Guddoomiyaha Dekedaha iyo Goobaha ka caagan canshuurha Jabuuti, Abuubakar Cumar Haadi  ayaa Jabuuti kulan arrintan looga hadlayo la qaatay Taliyaha Ciidamada Badda ee Midowga Yurub Vasileios Cryparis iyo Safiirka Midowga Yurub ee Jabuuti, Sylvie Tabesse.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray amniga badda ee Gacanka Cadmeed, koonfurta Badda Cas, iyo Bab el Mandeb, xilli xaaladda amni ee marin-biyoodkaasi ay sii xumaaneyso.

Guddoomiye Haadi ayaa sheegay go’aanka Jabuuti ee ku aaddan in mudnaanta la siiayo adeegyadda badda iyo sahayda shidaalka si loo taageero howlgallada badda ee EUNAVFOR ASPIDES.

kulankaan ayaa looga gol leeyahay sidii looga wadashaqayn lahaa badbaadinta maraakiibta ganacsiga iyo sahayda iyada oo laga hortegayo dhibaatooyinka soo gaari kara deegaanka haddii la quusiyo maraakiib shidaal ama wax la gaarsiiyo.

Kulanka ayaa yimid kadib weerarro dhowaan ka dhacay meel u dhow magaalada Xudeydah oo lagu beegsaday markabkii M/T Sounion oo siday 1 milyan oo fuusto oo saliid cayriin ah, iyo markabkii kale ee MV/GROTON ee weerarka lagu qaaday bariga Gacanka Cadmeed.

Dhacdada M/T Sounion ayaa laga cabsi qabaa in ay sababto musiibo deegaan oo afar jeer ka weyn midii Exxon Valdez ee 1989 oo ay xeebaha Alaska ka shubtay 257,000 oo fuusto oo saliid ah.

Jabuuti, oo ku taalla goob muhiim ah oo ah xarun ganacsi oo caalami ah dhanka badda, ayaa hadda la kulmeysa khataro sii kordhaya oo la xiriira amniga badda taas oo ay sababeen dagaalada ka socda Bariga Dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here