Monday, September 16, 2024

Jabuuti iyo Shiinaha oo dib u cusbooneysiiyay iskaashiga dhanka caafimaadka

Jabuuti (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Shiinaha ayaa dib u cusbooneysiiyay iskaashigooda dhinaca caafimaadka ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Jabuuti, Hu Bin ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo ujeedadiisy tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dowladood.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa uga mahad celiyay dowladda Shiinaha dib u cusboonaysiinta heshiiska labada dhinac, isaga oo sheegay in Shiinuhu inta badan u soo diro dhaqaatiirta takhasuska leh ee ka hawlgala cisbitaalada waaweyn ee caasimadda iyo dalka intiisa kaleba.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dhaqaatiirta Shiinaha ay ka howlgalayeen qaar ka mid ah cisbitaallada muhiimka ah ee Jabuuti tan iyo 1981-kii halka labada dal ay wadaagaan 45 sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah.

Dhanka kale, Safiirka Shiinaha ee Jabuuti ayaa tilmaamay in dib u cusbooneysiinta heshiiska dhanka caafimaadka ay ka dhigantahay sii dardargelinta wadashaqeynta kor loogu qaadayo xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Bishii February ayay ahayd markii dowladda Jabuuti ay xariga ka jartay cisbitaal cusub oo bixin doona daryeelka caafimaad ee kala duwan, oo ay ku jiraan dawooyinka guud, qalliimada, daweynta cudurada wadnaha, carruurta, neerfaha, iyo daryeelka cudurada kale ee aadanaha ku dhaca.

Sida ay sheegaan mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti, cisbitaalkan ayaa looga maarmi doona safaradii caafimaadka ee dibadda loo doonan jiray, iyada oo ay ka howl geli doonaan dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal xanbaarsan xirfad sare oo dhanka caafimaadka ah.

Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheyneysaa in ay ka mira dhaliso “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad ay ku dooneyso in ay ku gaarto horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here