Monday, September 16, 2024

Jabuuti iyo Shiinaha oo iska kaashana horumarinta dekadaha

Shangaay (Dawan)- Jabuuti iyo Shiinaha ayaa iska kaashana horumarinta dekadaha xallii uu ra’iisul waraasaha Jabuuti uu booqasho ku joogo dalka shiinaha, isaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaas.

Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa gudoomiyaha maglaada Shanghai kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba dhinac ee ganacsiga, dalxiiska, arrimaha dhallinyarada, waxbarashada, iyo iskaashiga horumarineed sida ay sheegaty warbaahinta Jabuuti.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday skaashiga dhanka dekadaha iyadoo la eegayo sida Shanghai oo ah xarunta ganacsiga ee Shiinaha, ay u noqon karto qeyb muhiim ah oo taageerada horumarinta dekadaha Jabuuti.

Dekadda Shanghai ayaa ah dekedda weyn ee konteenarada sannadkii 2-aad  oo xirri ah caalamka oo dhan.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Jabuuti iyo Shiinaha ay wada qaban doonaan bisha September madal dhaqaale oo ay kasoo qeyb galayaan maalgashadayaal kala duwan

Dowladaha Jabuuti iyo Shiinaha ayaa iska kaashada dhinacya badan sida caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga, maalgashiga, waxeyna dhawaan dib u cusbooneysiiyeen iskaashigooda dhinaca caafimaadka, iyaga oo kala saxiixday heshiis la xiriira arrimaha caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here