Monday, September 16, 2024

Jabuuti oo beenisay in cudurka MPox laga helay dalkeeda

Jabuuti (Dawan)- Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee dalka Jabuuti ayaa beenayay warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in cudurka MPox ( Monkeypox) uu soo gaaray deegaano ka mid ah dalkaas.

“Ilaa iyo hadda, ma jiraan kiisas la xaqiijiyey oo MPox ah oo Jabuuti ka dhacay” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Machadka

Machadka ayaa intaas ku daray in hay’adaha caafimaadka Jabuuti ay si dhow ula socdaan xaaladda guud ee badqabka dadwaynaha iyada oo la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka si loo ogaado loogana hortago cudurrada faafa sida MPox.

“Waxaan xasuusineynaa dadka inay isdejiyaan oo ay aaminaan kaliya xogta rasmiga ah ee kasoo baxda hay’adaha caafimaadka ee lagu kalsoon yahay” ayuu raaciyay Machadka Caafimaadka .

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in hay’adaha caafimaadku ay qaadeen tillaabooyin lagu ilaalinayo caafimaadka dadwayanaha, iyada oo wixii soo kordha lala socod diin doono bulshada.

Jamhuuriyadda Congo ayaa ah xudunta uu ka dillaacay cudurka MPox oo ku faafay wadamo kale oo ka tirsan qaaradda Africa, iyada oo sidoo kale laga diiwaan geliayay dalalka Pakistan, Sweden iyo Thailand.

Ku dhawaad ​​27,000 oo xaaladood iyo in ka badan 1,100 dhimasho ah, oo intooda badan ay caruur yihiin, ayaa laga diiwaan geliyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo tan iyo markii uu cudurkan ka billawday dalkaas bishii January 2023, Fayraska cudurka ayaa sidoo kale ku faafay waddamada deriska la ah Congo.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa rajaynaysaa inay hesho tallaakii ugu horeeyay ee cudurka mpox toddobaadka soo socda, ka dib ballan-qaadyo uga yimid Mareykanka iyo Japan si looga caawiyo wax ka qabashada cudurka ka dillaacay dalkaas, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here