Monday, September 16, 2024

Jabuuti oo beenisay inay hooy u tahay jabhado ka dhan ah Somaliland

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa Isniintii si adag u beenisay eedeymaha uga yimid madaxda Somaliland ee ku saabsan in ay taageerto jabhad kasoo horjeedda maamulka Somaliland oo madaxdoou joogaan gudaha dalka Jabuuti.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Duwaleh ayaa ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah oo aan lahayn sal iyo raad toona, isagoo carrabka ku adkeeyay In Jabuuti ay kaalin wayn ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Waxaan ka xunahay eedaymaha been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ka imanaya madaxda Somaliland. Jabuuti waxey ka shaqaysaa wada jirka iyo is dhexgalka gobolka” ayuu yiri, Ilyaas.

Jabuuti ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aaddan faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka deriska ah, waxayna hoosta ka xariiqday doorka ay ka ciyaareyso wada-hadallada iyo iskaashiga gobolka.

“Aan si cad u bidhaamiyo, waxaan had iyo jeer ahaa doonaa fagaaraha wada hadallada gobolka, ee kama shaqayno kala qaybin. Waxaan qiimeynaa mabaadi’da wadajirka, mar walbana waan ka fogaana inaan fara gelino arrimaha gudaha ee dalalka deriska,” ayuu Duwaleh hadalkiisa raaciyay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in eedeyamaha hadda loo jeediyay dowladdiisa ay la midyihiin kuwii hore loogu jeediyay ee ahaa in ay Somaliland ka taageereen dagaalkii ka socday gobolka Sool, wuxuuna dhammaantood ku tilmaamay kuwa ben abuur ah, isag oo yiri;

“Shalay waxa nalagu eedaynayay in aanu Somaliland ka taageernay dagaalka SSC. Fadlan yaan jabuuti lagu lifaaqin siyaasaddiina gudaha ama ololaha doorasahada”

Sidoo kale, War-saxaafadeed jawaab u ahaa eedeynta Biixi oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jabuuti ayaa lagu sheegay in siyaasadsa Jamhuriyadda Jabuuti ay ku dhisantanay is xaq dhawrka lyo wada noolaanshaha dowladaha iyo umadaha dariska la ah

“Waxaa nasib darro lyo wax laga xumaada ah in Muuse Biixi ka soo yeedhayaan maalmahan danbe hadalo kicinaya xiisad lyo colaad aan loo baannayn” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Jabuuti ay sii wadi doonto siyaasadeeda ku suntan adkaynta nabadda iyo wax wada qabsiga ummudaha kale.

Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan sheegay in ay jiraan Jabahdo ku sugan Jabuuti oo usoo hanjabay Somaliland.

Dowladda Jabuuti ayaa martigelisay wadahadalladdii ugu dambeeyay ee dabayaaqadii sannadkii hore dhex mary Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo la doonayay in xal looga gaaro muranka midnimada iyo gooni isu taagga ee soo jiitamayay in ka badan 30 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here