Monday, September 16, 2024

Jabuuti oo ciidan nabad ilaalin ah u direysa Afrikada Dhexe

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti ayaa qorsheyneysa inay dhawaan u dirto dalka Afrikada Dhexe ciidan ka qayb qaata howlgalka xasilinta ee hoos taga Qaramada Midoobay.

Cutubyo ka mid ah ciidamadaas ayaa loosoo gabagabeeyay tababar la xiriira arrimaha howlgallada caalamiga ah, sida uu qoray wargeyska Al-Qarni ee ka soo baxa dalka Jabuuti, waxaana munaasabadda xirtitaanka tababarka kasoo qayb galay Taliyaha Ciidanka Gaashaanle Sare Sakariye Xasan Aadam iyo Kornayl Murillo oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Faransiiska ee fadhigoodu yahay Jabuuti

Tababarkan oo socday muddo laba toddobaad ah ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu diyaariyo ciidamada la gayn doono Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe horaanta sannadka 2025-ka, si ay ugu biiraan Howlgalka Xasilinta ee Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo (MINUSCA).

Tababarka la siiyay ciidanka ayaa isagu jiray cashiro aragti ah iyo tababar ciidamadeed oo ficil ah si kor loogu qaado xirfadaha aasaasiga u ah ciidamada ka qayb qaadanaya howlgallada caalamiga ah.

Ciidanka ka qaybqaatay tababarka waxay awood u yeesheen inay hormariyaan aqoontooda la xiriirta baaritaanada, ilaalinta goobaha xasaasiga ah, galbinta kolonyada madaxda, fulinta gurmadka dagaalka, kormeerka iyo howlgalada ka dhanka ah miinooyinka.

Jabuuti waxa ay si firfircoon uga qayb qaadataa dadaallada nabadda iyo amniga caalamiga ah iyada oo sidoo kale aad ugu ololeysa xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee dallaka Bariga Afrika.

Iyadoo laga walaacsan yahay dhibaatooyinka amni, bini’aadantinimo, xuquuqul insaanka iyo siyaasadda ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo saamaynta gobolka, ayuu Golaha Ammaanku ogolaaday 10kii Abriil 2014 Howlgalka Xasilinta Isku-dhafka ah ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Dowladaha ka qayb qaatay howlgalkaan waxaa ka mid ah Masar, Burundi, Bangladesh, Pakistan, Zambia, Morocco, Nepal iyo kuwa kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here