Thursday, September 19, 2024

Jabuuti oo dagaal kula jirta qaadka si kontorobaan ah loosoo geliyo dalka

Jabuuti (Dawan)- Ciidamada Canshuuraha iyo kuwa Militariga Jabuuti oo iskaashanaya ayaa gacanta kusoo dhigay qaad si kontorobaan ah loosoo geliyay dalka. Howlgalku waxa uu ka dhacay degmada Hol Hol, waxaana lasoo qabtay gawaari siday 18 jawaan oo qaad ah.

Dadka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa aad usoo dhaweeyay tillaaabada lagu soo qabtay gawaarida sidday qaadka iyo dadaallada lagula dagaalamayo kontorobaanka, waxayna tilmameen in qaadku uu ka mid yahay waxyaabaha hoos u dhiga dhaqaalaha, isla markaana qatarta ku ah horumarka bulshada iyo amniga guud ee dalka.

Ciidamada amniga iyo maamulka canshuuraha Jabuuti ayaa marar badan sameeyay howlgallo lagu soo qabtay qaadka kontorobaanka ah, iyaga oo kadibna ku guba goob fagaare ah.

Tillaabadan ayay dowladdu ku sheegtay in ay oga  gol leedahay in lagu yareeyo ganacsiga sharci darrada ah ee qaadka iyo in laga hortago saameynta taban ee uu ku leeyahay dhaqaalaha iyo bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here