Seychelles (Dawan)- Madaxweynaha Seychelles Wavel Ramkalawan, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Cabdi Maxamuud Heybe oo noqon doona Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhi doona Seychelles, iyadoona xaflada soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxtooyada dalkaas.
Danjire Cabdi Maxamuud Heybe ayaa farriin uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle guuddoonsiiyay Madaxweynaha Seychelles , isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dowladood.
Dhankiisa, Madaxweynaha Seychelles ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay magcaabista Danjire Cabdi Maxamuud Heybe, isaga oo u rajeyayay inuu ku guuleysto shaqada loo soo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna ballan qaaday in dowladdiisu kala shaqeyn doonto fududeynta howlihiisa shaqo.
Danjiraha cusub ee Jabuuti oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Seychelles ayaa yiri “ Waa la ii oggolaaday inaan shaqo billaabo, waxaana ka shaqeyn doona inaan hormariyo iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal ee ku wada jira ururka COMESA iyo Midowga Afrika”.
Danjiraha ayaa intaas ku daray “Sida aad la socotaan wax badan ayaa naga dhexeeya, Seychelles waxa ay ka kooban tahay jasiirado, Jabuutina waa dal xeebeed. Waxaan Madaxweynaha kala hadlay iskaashiga dhinacyada amniga badda iyo kalluumaysiga, oo ay tahay in aan si deg- deg ah loo billaabo” .
Danjire Cabdi Maxamuud Heybe, ayaa ah Danjiraha Jabuuti ee Itoobiya iyo wakiilka joogtada ee Jabuuti u qaabilsan Midowga Afrika.