Saturday, November 23, 2024

Jabuuti oo hordhigaty COMESA codsigeeda Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Bujumbura (Dawan)- Jabuuti ayaa si rasmi ah u codsatay taageerada 21-ka dal ee xubnaha ka ah Suuqa Wadajirka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) si ay ugu guuleysato xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, oo ka hadlayay shirkii 23aad ee COMESA, ayaa ka codsaday ururka in ay taageeraan Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, si uu u qabto xilka hogaaminta Midowga Afrika.

Shirkan oo looga hadlayay dardargelinta isdhexgalka gobolka, ayaa ka dhacay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, iyada oo cinwaan looga dhigay “Dardargelinta Isdhexgalka Gobolka iyada oo loo marayo Horumarinta Silsiladaha Qiimaha ee Beeralayda Adkeysiga u leh Cimilada, Macdanta, iyo Dalxiiska.”

Codsiga Jabuuti ayaa imanaya iyadoo Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika lagu wado in la qabto bisha Febraayo 2025, inta lagu jiro shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhici doona Addis Ababa, Itoobiya.

Sanadkan, tartanka kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika waxa uu u xiran yahay musharrixiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana murashaxiinta xilkan u taagan ka mid ah afar musharrax oo ka kala socda Jabuuti, Kenya, Mauritius, iyo Madagascar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here