Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo dhinaca teknolojiyadda ah, taas oo xoojinaysa doorka ay ku leedahay isku xirka caalamiga ah iyo horumarinta isgaarsiinta gobolka Geeska Afrika. Madaxweyne , Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay si rasmi ah xariga uga jaray xarun cusub oo casri ah oo loogu talagalay in sare loo qaado kaabayaasha isgaarsiinta caalamiga ah iyo xog uruurinta dijitaalka ah.
Iskaashiga TO7 Network iyo Wingu Africa
Xaruntan cusub oo laga hirgeliyay magaalada Jabuuti ayaa noqonaysa goob muhiim ah oo lagu xoojinayo fiilooyinka fiber optic ee badda hoosteeda mara iyo adeegyada kaydinta xogta. Mashruucan waxaa iska kaashaday shirkadda TO7 Network iyo isbahaysiga caalamiga ah ee Wingu Africa, iyada oo xaruntu ay si gaar ah ugu qalabeysan tahay in ay maamusho illaa shan fiilo oo fiber optic ah.
Mashruuca ayaa sidoo kale taageeraya kaabayaasha internetka ee shirkadda Google, taas oo sare u qaadaysa isku xirnaanta caalamiga ah ee gobolka. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jabuuti, xaruntan ayaa gacan weyn ka geysan doonta kobcinta isku xirnaanta dijitaalka ah ee Jabuuti iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Xarunta xogta lagu kaydiyo ee ku dhex taalla goobtan ayaa si gaar ah loogu talagalay in ay keydiso xogta muhiimka ah iyadoo loo adeegsanayo teknoolojiyad casri ah. Mashruucan ayaa sidoo kale ah mid diiradda saaraya dhanka ilaalinta deegaanka, iyadoo qorshuhu yahay in 60% tamarta xarunta laga daboolo tamarta qorraxda.
Shaqo abuur iyo horumar dhaqaale
Madaxweyne Geelle oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in xaruntani tahay mid sare u qaadaysa kaabayaasha isgaarsiinta dalka, abuuraysa shaqooyin cusub, kobcinaysa dhaqaalaha, isla markaana xoojinaysa isku xirka caalamiga ah. Wuxuu intaas ku daray in mashruucan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadaallada Jabuuti ee ah in ay noqoto hoggaamiye teknoolojiyadeed oo ku soo kordha Afrika iyo caalamka.
Mashruucan cusub ayaa loo arkaa mid soo jiidan doona maalgelin caalami ah oo dheeraad ah, iyada oo sidoo kale kor u qaadaysa kalsoonida shirkadaha waaweyn ee dhinaca isgaarsiinta. Himilooyinka Jabuuti ee ah in ay noqoto xarunta isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ee Geeska Afrika ayaa u muuqda kuwo u dhow in la xaqiijiyo, iyada oo xaruntan cusub ay tahay tallaabo muhiim ah oo arrintaas lagu gaari karo.