Monday, September 16, 2024

Jabuuti oo Itoobiya siineysa deked si xal looga gaaro xiisadda gobolka

Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Itoobiya ku wareejiyo dedked ay maamlkeeda leedahay 100% si xal looga gaaro muranka badda ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in dekedda Tadjoura oo 100 KM u jirta Itoobiya inay xal u noqon doonto baahida ay Itoobiya u qabto inay hesho deked sidoo kalena looga gudbi karo xiisadda gobolka ka jirta.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu qorsheynayo inuu madaxda labada dal dhawaan kala hadlo arrimahan marka ay isagau yimaadaan shirka Shiinaha iyo Afrika

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa horay u sheegay inay Turkiga ku adkaan doonto xallinta khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ku saabsan sidii Addis Ababa ku gaari leheed marin biyood.

Arrintan ayuu ku sababeeyay in labada dowladood ay aad u kala fogyihiin mabda’ ahaan, iyada oo Soomaaliya ay u aragto in lagu xadgubay madaxbannaanideeda halka Itoobiya ay ugu muuqato arrin lagama maarmaan ah in ay hesho bad.

Jabuuti iyo Kenya ayaa horay isagu dayay in la xalliyo xiisadda gobolka ee ka dhexeysa labada dal ee deriska ah, inkasta oo aan wax natiija ah la gaarin. Dowladda Turkiga ayaa iyaduna markii labaad martigelisay wadahadal u dhexeeya labada dal, welina lama gaarin wax natiijo ah

Wadahadalladii Ankara uga socday Somaaliya iyo Itoobiya ayaa markale ku dhamaaday natiijo la’aan kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobada lasoo saaray miiska wadahadalka. Soomaaliya waxey ku adkesatay in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradkii ay la gashay Somaliland halka Itoobiya ay dooneyso in loo damaanad qaado inay hesho bad.

Labada wafdi ayaa la filaya inay wareeg seddexaad ku kulmaan 17 bisha September ee soo socota, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here