Sunday, September 8, 2024

Jabuuti oo ka digtay in bixitaanka ATMIS saameyn ku yeesho amniga Soomaaliya

New York (Dawan)- Wasiirka Arrimha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka digay in bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa saameyn ku yeesho guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaaab iyo amniga goobihii la xoreeyay , isaga oo ku tilmaamay xaaladda Soomaaliya “ mid adag”.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku taliyay in qiimeyn lagu sameeyo go’aamada lagu qaatay in Soomaaliya laga saaro ciidamada ATMIS, isaga oo sidoo kale ku baaqay in Soomaaliya loo fidiyo taageero ballaaran iyo garab istaag xilligaan kala guurka ah.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hoosta ka xarriiqay in dalkiisu si wadi doono garab istaagga Soomaaliya si loo dhameystiro hannaanka dib u eegista Dasuurka iyo arrimaha dib u heshiisiinta.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti dadaal badan ku bixisay sidii looga mira dhalin lahaa himilooyinka horumarineed iyada oo la sameeyay kaabayaal dhaqaale si hoos loo dhigo faqriga, shaqo yarida iyo nafaqo-darradii hore u jirtay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in loo baahanyahay in la dardargeliyo dadaallada looga mira dhalinayo horumarka waara iyo hiigsiga qorshaha horumarinta ee sannadka 2030.

Wasiirka ayaa ka hadlaay khilaafka kala dhaxeeya dalka Eretria, wuxuuna caddeeyay in dalkiisu diyaar u yahay in xal naabdeed oo waara laga gaaro muraka xudduudeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Dhanka xaaladda Suudaan, ayuu ka muujhiyay walaac xooggan isaga oo ku baaqay xabbad joojin deg-deg ah iyo in dib loo billaabo wada hadallo lagu joojinayo colaadda.

Ugu dambeyn, wuxuu Wasiirku ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka maaliyeed ee dowliga ah si ay uga faa’iideystaan dowladaha soo koraya ee lagu leeyahay deymaha faraha badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here