Monday, September 16, 2024

Jabuuti oo ka hor timid qiimeynta Bangiga Adduunka ee dekedaha

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa ka hor timid qiimeynta uu soo saaray Bangiga Adduunka 2023 ee ku saabsan kala horeynta iyo dekedaha ugu fiican caalamka iyada oo la eegayo shaqa wanaagooda iyo waxqabadkooda sannadlaha ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin qiimeyntii ugu dambeeysay ee Bangiga Addduunka oo kaalinta 379-aad ku qiimeysay dekeadda Jabuuti marka la eego kala horeynta dekedaha caalamka.

“Waxaan muujineynaa diidmadeena xooggan ee warbixintan, oo aan aaminsanahay inay tahay marin habaabin wayn oo ka dhan ah xaaladda dhabta ah ee ka jirta xarumaheena iyo tayada adeegyada aan bixinno”. ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka.

Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti ayaa ku eedeeyay Bangiga Adduunka inuusan dekedda Jabuuti kusoo darin qiimeyntii uu sameeyay saddex sano ee lasoo dhaafay, arrintaas oo ay Jabuuti ku tilmaamtay wax aan la aqbali karin.

“Dekeddaheenu waa hormuud, lagu yaqaano adeeg dhameystiran ee badaha, waxayna ku tilmaamanyihiin hufnaan iyo isku xirka ganacsiga Afrika iyo Caalamka” ayaa markale lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Jabuuti.

Jabuuti waxa ay carrabka ku adkaysay in ay sumcad kasoo hoysay adeegyada dekedaha iyada oo maalgashi ballaaran lagu sameeyay kaabyaasha iyo teknoolojiyadda loo adeegsado howlaha dekedaha.

“Qiimaynta Bangiga Adduunka waxay ka dhigan tahay meel ku dhac ka dhan ah waxqabadka wanaagsan ee dowladda Jabuuti ay ka sameysay dhinaca gaadiidka badda iyo adeegyada dekedaha. Waxaan jeclaan lahayn inaan caddeyno in aanay hoos u dhac ku iman tayada ama hufnaanta adeegyadeena” ayaa tiri, jabuuti.

Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti waxa uu sheegay in uu dib u eegis ku sameyn doono habka iyo xogta uu Bangiga Adduunku ku salleeyo qiimaynta uu soo saaro, sidoo kale ay diyaar u yihiin in kala shaqeyaan Bangiga wax ka qabashada xogaha aan xaqiiqda ku salleysneyn ee iska horimaanaya.

Ugu dambayn, Maamulka dekadaha Jabuuti ayaa ballan qaaday inuu kusii dadaali doono tayeynta tas-hiilaadka iyo horumarinta adeeg bixinta dekadaha , iyada oo si togan looga qayb qaadanayo xoojinta dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here