Sunday, September 8, 2024

Jabuuti oo kusoo biirtay tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in wasiirkeeda arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf u tartamayo jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Xilkaan waxaa hore ugu dhawaaqayin ay u taaganyihiin musharrixiinta kala ah  Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam  oo ka socota Soomaaliya iyo Raila Odinga oo ka socda Kenya.

Dowladda Jabuuti oo tartanka ka dhigtay mid seddex geesood ah waxa ay aamnisantahay in ay xilka ku guuleysan karto maadaama ay soo sharraxday Maxamuud Cali Yuusuf oo waayo aragnimo buuxda u leh diblomaasiyadda sidoo kalena xog ogaal u ah xaaladda Qaaradda Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf oo muddo dheer soo hoggaaminayay wasaaradda ariimaha dibadda jabuuti waxa uu ka qeyb qaatay xal u raadinta khilaafaad badan oo ka jira qaaradda gaar ahaan geeska Afrika, wuxuuna si buuxda ugu hadlaa luqadaha Faransiiska, Ingiriiska iyo Carabiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii January ee sannadkan ku dhawaaqday in Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam ay u tartameyso Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee sanadaha 2025-2028.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xukuumadda ayaa lagu yiri ” Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028″.

Musharaxa Kenya oo ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa si cad u sheegay inuu danaynayo qabashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, wuxuuna taageero buuxda ka heystaa madaxweynihiisa Ruto.

Raila Odinga ayaa hore usoo noqday Ra’iisul Wasaaraha Kenya, sidoo kalena waxaa looga adkaaday doorashadii madaxtinimo ee ugu dambeysay.

Muddo xileedka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki, oo markii ugu horreysay la doorto 14-ka Maarso, 2017, kana soo jeeda dalka Chad, oo ku yaal Afrikada Dhexe, ayaa ku eg sanadka soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here