Thursday, September 26, 2024

Jabuuti oo laba jibaartay ololaha murashaxeeda ee hoggaaminta Africa

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti ayaa wafuud kala duwan u dirtay dowladaha qaaradda Africa si ay ugu soo qanciyaan inay u codkooda siiyaan murash Maxamuud Cali Yuusuf oo u tartamaya xilka ugu sarreeya Midowaga Africa.

Ouloufa Cabdow Ismaaciil, wasiirka arrimaha bulshada iyo wadajirka Jabuuti ayaa maanta la kulantay ra’iisul wasaaraha Mauritius, Pravind Jugnauth, iyada oo gaarsiisay dhambaal ay ka siday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ku saabsan codsiga Jabuuti ee taageerada musharaxnimada Maxamuud Cali Yuusuf.

Jabuuti waxay ku dadaaleysa inay ku qanciso Mauritius in murashaxeedu u tanaasulo Maxamuud Cali Yuusuf.

Dhowr wasiir oo iyo ergo kale ayaa hadda socdaalo ku maraya qaarada Afrika si ay taageera buuxda ugu helaan qorshaha ay Jabuuti ku dooneyso inay ku hanato hoggaaminta qaaradda Africa.

Jabuuti waxay dowladaha kale la wadaagtay siyaasadda ay dooneyso inay ku hogaamiso Africa sanadaha soo socda iyo ajanda cad oo ka tarjumaya baahida iyo dhibaatadda qaaradda.

Markaan eegno magaalada New York oo hadda uu ka socdo kulan sanadeedka Qaramada Midoobay waxay Jabuuti uga faa’iideysanaysaa ololaheeda, waxayna kusoo bandhigtay aragtideeda mustaqbalka Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdiga Jabuuti ee ka qaybgelaya kalfadhiga 79aad ee Qaramada Midoobay waxay hadda kulamo la qaateen 13 dowladood iyaga oo kala hadlay arrimaha doorasahda Midowga Africa, waxaana qorshaha ugu jira 17 kale.

Xogta aan helnay waxay muujineysa in Jabuuti ay ka heshay dowlado badan oo African ah jawaab celin wanaagsan oo u hiilinaysa musharraxeeda.

Jabuuti waxay iibineysa inay qaaradda usoo sharraxday mas’uul xanbaarsan himilada Africa oo dadkeedu u badanyihiin dhallinyaro.

Sanadkan, kaltanka kursigan waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana magacyadooda soo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.

Ururka qaaradeedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas’uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here