Tuesday, October 22, 2024

Jabuuti oo laga xusay maalinta caalamiga ah ee Tamarta

Jabuuti (Dawan)- Munaasabad ballaaran oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti ayaa ka qabsoontay dalka Jabuuti, iyada oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Tamarta.

Munaasabadan oo ah mid sanad kasta la xuso 22-ka October, ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka tirsan xukuumadda, iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay dadaalka dalka ee ku aaddan tamarta waarta iyo horumarka joogtada ah.

Hal-heyska Munaasabadda ayaa sanadkan ahaa “Tayeenta Tamarta iyo Horumarka Waara ee Jabuuti,” iyadoo lagu soo bandhigay qorshayaal dhowr ah oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda Tamarta.

Wasiirka Tamarta ee Jabuuti, Yoonis Cali Geedi, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda tamarta ee xilligan casriga ah, isaga oo si gaar ah u adkeeyay dadaallada lagu bixiyo tamarta hagaagsan ee dalka, si loo hubiyo helitaanka tamar baaxad leh oo ku filan dhammaan dalka Jabuuti.

Intii ay munaasabadda socotay, waxaa si weyn looga wada hadlay hiigsiga Jabuuti ee ah in la helo tamar baaxad leh oo dalku ku filan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamyada tamarta la cusboonaysiin karo.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Jabuuti ay ku talo jirto inay hormuud u noqoto dalalka hirgelinaya tamarta waarta ee gobolka Geeska Afrika, iyada oo la yareynayo qiiqa kaarboonka oo la kor u qaadayo waxtarka isticmaalka tamarta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here