Friday, October 18, 2024

Jabuuti oo soo badbaadisay shaqaala saarnaa Markab lagu weeraray Badda Cas

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay soo badbaadisay shaqaalihii la socday Markab lagu weeraray Badda Cas maalinimaadii shalay ahayd kadib markii ay soo gaartay Dekadda Jabuuti farriin lagu dalbanayo gargaar.

Shaqaalaha lasoo badbaadiyay ayaa ka koobna 24 qof oo isagu jiray 11 Suuriyaan ah, lix Masaari ah, afar Filibiin ah iyo saddex Hindi ah, sida laga soo xigtay Hay’adda Dekedaha Jabuuti.

Warbixin kasoo baxday Maamulka Dekadaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in aysan hadda garaneyn halka uu ku suganayahy Marakabkii la weeraray kadib markii uu joogsaday qalabkii lagala socon lahaa.

Sida ay sheegtay Jabuuti, Markabka la bartilmaameedsaday waxaa ka babanaayay calanka Belize, wuxuuna siday ilaa 22 metric ton oo bacrimin ah.

Shalay ( Isniintii), kooxda Xuutiyiintu waxay sheegtay in ay gantaallo la beegsadeen Markabka (Rubimar) oo ku sugnaa Gacanka Cadmeed, waxeynya sidoo kale xustay in Markabka oo laga leeyahay Britiain uu quusi doono kadib dhibaatadii kasoo gaartay gantaalaha lala beegsaday.

Af-hayeenka kooxda Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa hadal uu ka soo qoray bartiisa X ayaa ku sheegay in Markabka ay soo gaartay wax yeello daran, taasoo keentay in gebi ahaanba uu istaago.

Dhanka kale, Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Ingiriiska ayaa sheegtay Isniintii in Markabka ay soo gaartay khasaare kooban ka dib markii ay weerartay diyaarad aan duuliye lahayn, xilli uu marayay Badda Cas, meel u jirta 60 nautical miles waqooyiga Jabuuti.

Kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran ayaa hore ugu hanjabtay in ay weerari doonto dhammaan Maraakiibta ku sii jeeda Israel ee ku sugan Badda Cas oo ka mid ah marinka ugu muhiimsan dunida ee ay maraan shixnadaha shidaalka, si ay taageero ugu muujiso Falastiiniyiinta ay Israel ku go’doomisay Gaza

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa fuliyay weeraro badan oo ay ku qaadeen xarumaha Xuutiyiinta, iyaga oo aan ilaa hadda ku guuleysan in ay joojiyaan weerarada ay kooxdu ka geysato Badda Cas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here