Monday, September 16, 2024

Jabuuti oo u gurmad u sameysay Markab lagu weerary badda cas

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa gurmad u sameysay markab laga leeyahay dalka Giriigga kaas oo ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ku bartilmaameedsadeen maalintii Khamiista badda Cas.

Markabkan oo lagu magacaabo MV SOUNION ayaa siday shidaal lagu qiyaasay 150,000 tan, waxaana walaac badan laga muujiyay dhibaatada dhanka deegaanka ah ee ka dhalan karta haddii uu quuso, sida horay u dhacday

Maamulka Dekedaha Jabuuti ayaa dunida ugu baaqay in la qaado tillaabo degdeg ah si looga hortago halista ka dhalan karta shidaalka ku daadanaya biya badda kaas oo saameyn ku yeelan doona Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Jabuuti ayaa ku guuleysatay inay soo badbaadiso shaqaalihii saarnaa markabka kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 29 qof oo kasoo kala jeeda dalalka Ruushka, Filibiin, Hindiya, iyo Nepal.

Fiidnimadii Jimcaha, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa baahisay muuqaallo ay ku sheegeen inay bartilmaameedsadeen markab laga leeyahay dalka Giriigga iyaga oo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xayiraaddii ay kusoo rogeen dekedaha Israel.

Kooxda ayaa markale uga digtay shirkadaha iska leh maraakiibta inay alaab usoo qaadaan Israel, waxeyna wacad ku martay in tillaabada xigta ay noqon doonto mid aad uga daran kuwii hore.

SOUNION waa markabkii saddexaad ee ay maamusho shirkadda Delta Tankers, oo fadhigoodu yahay Athens, laguna weeraro Badda Cas bishan. Shirkadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarka uu sababay in dab uu kaco Markabka.

Shirkadda ayaa intaas ku dartay inay waddo qorshe markabka lagu gaynayo meel nabdoon si loogu sameeyo dayactir.

Wasaaradda gaadiidka badda ee Giriiga ayaa sheegtay in markabkan uu ka soo shiraacday dalka Ciraaq kuna sii jeeday magaalada Agioi Theodoroi ee dalka Giriiga, waxaana la socday howlwadeeno kasoo kala jeeda dhowr dal oo kala duwan.

Tan iyo markii ay Xuutiyiintu billaabeen weeraradooda bishii November ee lasoo dhaafay, waxay guusiyeen labamarkab, waxeyna gacanta ku dhigeen mid kale. Ugu yaraan seddex badmaax ayay dileen, waxayna khalkhal geliyeen ganacsiga caalamiga ah ee dhanka badda, taas oo abuurtay in maraakiib badan ka fogaadaan marinka Suweys.

Dhacdadan ayaa sidoo kale muujinaysa khataraha amni ee sii kordhaya ee Badda Cas, gaar ahaan wadada badda ee Jabuuti iyo Yemen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here