Thursday, November 21, 2024

Jabuuti oo war kasoo saartay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda

Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan heshiiskii is-afgradka Badda ee ay kala saxiixdeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishan January.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dowladaha xubanaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka Urur Gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Tan iyo markii uu heshiiska Badda ee Somaliland Iyo Itoobiya soo if-baxay, waxaa isa soo tarayay baaqyada ka imaanya Ururada Caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya Gobolka kuwaas oo dhammaantood soo jeediyay in xasiloonida Gobalka ay ku jirto ixtiraamka madax bannaanida iyo midnimada dhulleed ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya  waxa ay ka dalbatay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay,  Midowga Afrika, iskaashiga  islaamka, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo  saaxibada kale ee daneeya xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba iyaga oo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisanyihiin gudanayana waajibka loo aas-aasay in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here