Sunday, September 8, 2024

Jabuuti oo xariga ka jartay Hotel casri ah oo ka qeyb qaadanaya dalxiiska

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa xariga ka jartay Hotel casri ah oo ay ku baxday 200 oo milyan oo dollar, si kor loogu qaado dhinacyada dalxiiska iyo ganacsiga.

Hotelkaan oo loogu magac daray, Ayla Grand Hotel, waxaa maalgeliyay ganacsade kasoo jeeda Dowladda Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Sheekh Nahel.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xariga ka jaray dhismaha Hotelka oo ka kooban 217 qol kaas oo kor u qaadi doona horumarinta dhaqaalaha, iyo diblomaasiyadda.

“Hotelka weyn ee Ayla Grand Hotel waxa uu daliil u yahay xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal ee Jabuuti iyo Imaaraadka, wuxuuna bixi doona adeegyo casri ah iyo fursado shaqo oo ay ka faa’iideysan doonaan 250 qof oo Jabuuti ah” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti.

Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheyneysaa in ay ka mira dhaliso “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad ay ku dooneyso in ay ku gaarto horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here