Sunday, September 8, 2024

Jabuuti oo xoogga saareysa horumarinta Gobollada

Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Ballaarinta Maamulka Jabuuti, ayaa soo qabanqaabisay shir muhiim ah oo looga doodayo meel marinta iyo isku duba ridka qorshaha lagu horumarinayo Gobollada Jabuuti.

Shirka waxa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Wasiiradda, Guddoomiyaalka Gobollada, mas’uuliyiin ka socotay Mdiowga Yurub iyo khubaro ka tala bixisa qorshooyiinka lagu hormariyo dowladaha hoose iyo magaalooyinka.

Wasaaradda Ballaarinta Maamulka ayaa xoogga saareysa sidii loo fulin lahaa qorshaha u degsan Jabuuti ee meelmarinta iyo isku dheeli tirka miisaaniyadda dalka si looga jawaabo baahiya ka jira Gobollada ee dhanka horumarka.

Wasiirka Ballaarinta Maamulka Jabuuti, Qaasim Haaruun Cali ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga shaqeeyo ansixinta qorshaha iyo istiraatiijiyada lagu hormarinayo Gobollada dalka.

Qorshaha Horumrinta Gobollada ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya abuurista shaqo, waxaana ka faa’iideysan doona dad badan gaar ahaan haween iyo dhallinyarao shaqo la’aan ah.

Fulinta Qorshaha lagu hormarinyo Gobollada Jabuuti, waxaa kaabaya Midowga Yurub.

Hiigsiga dowladda Jabuuti ee 2035-ka ayaa ah in horumar ballaaran laga gaaro dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Dalka Jabuuti oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa soo jiitay indhaha caalamaka iyo loolanka dalalka ugu awooda badan dunida, waxaana saldhigyo ciidan iyo maalgashi kala duwan ka sameystay Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Shiinaha, iyo dhowr waddan oo Carbeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here