Riyaad (Dawan)- Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in shacabka Falastiin uu wajahayo in ka badan hal sano, cadaw ujeedadiisu tahay inuu tirtiro gabi ahaan joogitaankooda marinka Gaza.
Hadalkaan ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka aan caadiga ahayn ee ay dowladaha Islaamka iyo Carabtu ku yeesheen shalay magaalada Riyaad ee Sacuudi Carabiya si wax looga qabto dagaalka ay Israel ka waddo Falastiin iyo Lubnaan.
Wasiirku waxa uu beesha caalamka ku eedeeyay inay gacmaha ka laabtay dilka iyo xasuuqa baaxadda leh ee loo gaystay shacabka Falastiin, taas oo uu ku tilmaamay mid muujineysa in dunidu ku fashilatay inay difaacdo mabaadi’dii iyo qiyamkii loo dhisay hay’adaha caalamiga ah.
Waxa uu intaas ku daray in la joogo xilligii dunidu qaadi lahayd tillaabo lagu ilaalinayo shacabka Falastiin loogana hortago xasuuqa iyo gardarrada joogtada ah ee ay la kulmaan, isaga oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah iyo in la fududeeyo sidii gargaar bini aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan.