Thursday, September 19, 2024

Jabuuti… Shil sababay dhaawacyo culus oo ka dhacay Carta

Jabuuti (Dawan)- Shil baabuur oo ka dhacay isgoyska magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa sababay dhaawacayada 15 qof oo 4 kamid ah ay yihiin dhaawacyo culus.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen bas ay saarnaayeen dadka kasoo noqonayay xagaa baxa iyo gaari xamuul ah, sida uu sheegay TV-ga qaranka ee RTD.

Waxyar kadib markii uu shilka dhacay, waxaa goobta gaaray waaxda gurmadka iyada oo dadkii dhaawacmay loo fiidyay gargaar degdeg ah kadibna loo qaaday isbitaalada ku yaala magaalada Belbala, halkaasi oo lagu daweynayo.

Shilkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii uu shil galay gaari u socday magaalada Tadjourah kaas oo ay ku dhaawacmeen 16 qof.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawacyadoodu cuslaayeen ayaa markii dambe loosii gudbiyay magaalada caasimada ah ee Jabuuti

Hay’adaha qaabilsan ka hortagga shilalka iyo bad qabka dadweynaha ayaa ugu baaqay darawalada gawaarida inay u hoggaansamaan shuruucda waddooyinka si loo xakamayeeyo shilalka soo noqnoqday ee ka dhaca dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here