Thursday, September 19, 2024

Jabuuti: Soomaaliya iyo Itoobiya waa in mid ka tanaasulo mowqifkiisa

Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysii siiyay waregyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay inay Turkiga ku adkaan doonto xallinta khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ku saabsan sidii Addis Ababa ku gaari leheed marin biyood.

Arrintan ayuu ku sababeeyay in labada dowladood ay aad u kala fogyihiin mabda’ ahaan, iyada oo Soomaaliya ay u aragto in lagu xadgubay madaxbannaanideeda halka Itoobiya ay ugu muuqato arrin lagama maarmaan ah in ay hesho bad.

“Sida xaqiiqda ah, mowqifyada labada dal  ee ku aaddan mabda’a  ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada  dhuleed waa mid aad u kala fog.  Xalku wuxuu ku jiraa in mid ka mid ah labadooda uu ka tanaasulo  mowqifkiisa” ayuu yiri, Wasiirka.

Qorsha xal noqon kara oo dhexdhexaad ah

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa tilmaamay in dalkiisu uu si hoose usoo jeediyay qorsha dhexdhexaad ah oo xal u noqon kara khilaafka taagan, inkasta uusan si cad u sheegin qodobada uu ka koobanyahay qorshahas. ” Waxaan si hoose u soo jeedinay qorsha dhexdhexaad ah si loo xalliyo  khilaafka. Daaha kama qaadi karo si uusan u fashilimin qorshahaas” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Jabuuti iyo Kenya ayaa horay isagu dayay in la xalliyo xiisadda gobolka ee ka dhexeysa labada dal ee deriska ah, inkasta oo aan wax natiija ah la gaarin. Dowladda Turkiga ayaa iyaduna markii labaad martigelisay wadahadal u dhexeeya labada dal, welina lama gaarin wax natiijo ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in lasii xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dal, si looga wada shaqeeyo deggaanshaha gobolka.

Maxamuud ayaa wargeyska u sheegay ” Waxaa  muhiim  ah in lasii wado  dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed si xal loogu helo xasilloonida  iyo amniga gobolka. Waa taas arrinta u leh Jabuuti mudnaanta koowaad”

Wareeg 3-aad oo wadahadal ah

Wadahadalladii Ankara uga socday Somaaliya iyo Itoobiya ayaa markale ku dhamaaday natiijo la’aan kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobada lasoo saaray miiska wadahadalka. Soomaaliya waxey ku adkesanysaa in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradkii ay la gashay Somaliland halka Itoobiya ay dooneyso in loo damaanad qaado inay hesho bad.

Labada wafdi ayaa la filaya inay wareeg seddexaad ku kulmaan 17 bisha September ee soo socota, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Fidan Waxa uu carabka ku adkeeyay sii wadista wada-hadallada Ankara ee u dhaxeeya labada dal “Waxaan kulmi doonna mar kale , waxaana la qaban doonaa wareegga saddexaad 17-ka September, annagoo rajaynayna in si guul ah loo soo gabagabeeyo wada-hadallada”

Wasiirka Turkiga ayaa intaas ku daray in ay sii wado doonaan wadatashiyada ay la yeelanayan labada dhinac iyo dalalka kale ee gobolka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ay Itoobiya ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiskaas, waxa uuna dhaliyay xiisad diblomaaasiyeed oo labada dal ka dhex qaraxday, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here