Shire Cabdi
Carta, Jabuuti – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu wareejisay 100 guri qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Carta iyo deegaanka Weyca ee gobolka Carta. Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay goobta ay ku yaalliin guryaha la wareejiyay ayaa lagu guddoonsiiyay furayaasha guryaha qoysaska ka faa’iideystay mashruucan muhiimka ah.
Guryaha ayaa si gaar ah loogu wareejiyay qoysaska baahiyaha gaarka ah qaba, agoonta, iyo dadka danyarta ah ee gobolka Carta. Mas’uuliyiinta munaasabadda ka hadlay ayaa ku booriyay qoysaska inay dhowraan guryaha ay heleen oo aysan kireyn.
“Waxaan u sheegaya dadka aqalladaas helay inay ku fara adeegaan oo ay dhowraan. Waa hanti ay heleen, iyagoo ka baxay hanti la’aan, waa inaysan kireyn,” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Xaqa Lahanshaha Guryaha, Maxamed Cali Cusmaan.
Mashruucan ayaa waxaa hormuud ka ahayd Hay’adda Xaqa Lahanshaha Guryaha oo masuul ka noqotay hirgelinta barnaamijkan muhiimka ah. Agaasimaha hay’adda, Maxamed Cali Cusmaan, ayaa sheegay in mashruucani qeyb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu taageero qoysaska baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa aan awoodin in ay guryo dhistaan. Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in barnaamijkan laga hirgeliyo dhammaan shanta gobol ee dalka Jabuuti.
Munaasabadda guryaha lagu wareejinayay ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Hay’adda Xaqa Lahanshaha Guryaha, Maxamed Cali Cusmaan, Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Haweenka Jabuuti, iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Barlamaanka Jabuuti.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid ka tarjumaya dadaallada dowladda Jabuuti ugu jirto horumarinta nolosha bulshada danyarta ah, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada dalka.
Mashruucan guriyeynta ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda Jabuuti ay ku doonayso in lagu dhimo baahida guriyeynta dalka sida ay sheegtay. Waxaa la filayaa in barnaamijkani uu kaalin weyn ka qaato taageeridda qoysaska nugul ee aan awoodin inay guryo dhistaan, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada.