Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa haabeenimadii xalay hawada u dirtay dayax gacmeedkeedii ugu horreeyay, kaas oo lagu magacaabo Djibouti-1A.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dayax gacmeedka uu qeyb ka qaadan doono horumarka dhaqaale ee ay Jabuuti hiigsanayso.
Mashruucaan dayax gacmeedka waxaa gacanta ku hayso Wasaaradda Waxbarashada Sare iyo Cilmi-baarista Jabuuti, waxaana ka howl geliya khubaro reer Jabuuti ah, kuwaas oo tababaro ku soo qaatay dalka Faransiiska iyo ingineero ajaanib ah.
Wasiirka Waxbarashada Jabuuti, Nabiil Maxamed Axmed ayaa sheegay in mashruucaan dayax-gacmeedka loo tababaray 10 qof oo isugu jira Injineero iyo Farsamo-yaqaanno, waxaana kooxdaan ay la shaqeeyn doona dhammaan shirkadihii ku hawlanaa naqshadaynta dayax-gacmeedka, samaynta iyo soo saarista dayax-gacmeedka, isla markaana kor u qaaday softwares-ka uu dayax gacmeedkan ku shaqaynayo.
Dayax gacmeedkaan ayaa dalka Jabuuti ka caawin doonaa in uu helo xogta dalka oo dhan, sida heerkulka, roobabka, iyo wax walba oo Jabuuti ku saabsan.
Dirista Dayax gacmeedkan ayaa kusoo aadaya xilli caalamka iyo afrikaba ay ka jiraan isbeddelo cimileed oo isgu jira duufaanno iyo roobab mahiigaan ah.
Dalka Jabuuti oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa soo jiitay indhaha caalamaka iyo loolanka dalalka ugu awooda badan dunida, waxaana saldhigyo ciidan iyo maalgashi kala duwan ka sameystay Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Shiinaha, iyo dhowr waddan oo Carbeed.