Saturday, September 21, 2024

James Swan oo Biixi kala hadlay doorashooyiinka soo socda

Hargeysa (Dawan)-  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa booqasho ku tegay magaalada Hargeysa, isaga oo halkaas kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri; ” Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa”

Wax war ah uu ku saabsan booqashada Swan ee Hargeysa kama soo bixin ilaa iyo hadda (22:00 xilliga Soomaaliya) Xafiiska howlgalka kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM)

kadib laba sano oo dib u dhac ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la qaado tillaabooyinkii ugu horeeyay ee doorashada, kadib markii murashaxiinta madaxtinimada la guddoonsiiyay shahadaadii tartanka, waxaana la filaya in ololaha doorashada la guda galo bisha soo socota.

Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha sanadkan ayaa kala ah Muuse Biixi Cabdi , madaxweynaha talada haya, oo mar labaad u tartamaya isagoo ka socda xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ka socda xisbiga Waddani, wuxuuna hore u ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland

Faysal Cali Waraabe oo ah musharraxa xisbiga UCID waa  musharraxa kaliya ee doorasho kasta ka qeybgalay tan iyo doorashadii ugu horreysay ee Somaliland ee 2003.

Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here