Saturday, November 23, 2024

James Swan oo billaabay inuu kulamo la qaato madaxda dowladda

Muqdisho (Dawan)-  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa bilaabay inuu kulamo gooni gooni ah la qaato madaxda dowladda.

James Swan oo Muqdisho soo gaaray Axaddii lasoo dhaafay ayaa maanta kulamo la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida lagu sheegay qoraalo kasoo kala baxay madaxtooyada iyo xafiiska xukuumadda.

Kulanka Madaxweynaha iyo Swan ayaa u muuqday inuu dhacay xilli hore ee saakay, inta uusan madaxweynuhu u safrin Kenya uu uga qayb galayo shirka Bangiga Hormarinta Afrika.

Villa Somalia waxa ay sheegtay in Kulanka looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub” ayaa sidoo kale lagu yiri, qoraalka madaxtooyada.

Dhanka kale, Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga ayaa la iskula eegay xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa muujiyay sida ay xukuumaddiisu diyaar ugu tahay in ay si dhow ugala shaqayso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-shabaab.

Ergayga ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay ka gacan siinto dowladda Soomaaliya barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabistiisa James Swan 14-kii May, wuxuuna kulamo ballaaran la qaatay madaxda Qaramada Midoobay, inta uusan u soo safrin Soomaaliya.

Magacaabista James Swan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo dowladda federaalka iyo Puntland aya isku dhacsanyihiin sidoo kalena uu jiro khilaaf la xiriira wax ka bedelka Dastuurka.

James Swan ayaa horay u soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2022, isaga oo muddo dheer ka soo shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda ee Mareykanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here